Friday, August 28, 2026

Turkiga Oo Martigalinaya Shir Looga Hadlayo Xaaladaha Gaza

Share

Istanbul Turkey:- Wasiirada arrimaha dibadda 7 dal oo bariga dhexe katirsan ayaa lagu wadaa inay kukulmaan magaaladda Istanbuul ee dalka Turkiga si ay uga arinsadaan horumarka laga lagasameeyay heshiiskii xabad joojinta Gaza ee kadhacay magaaladda Sharmal-Sheekh ee dalka Masar 10 Oktobar ee bishii hore iyo xaaladaha bini’aadantimo ee magaaladda Gaza

Todobadan wasiir ayaa kala matalaya dalalka kala ah; Turkiga, Imaaraadka Carabta, Qadar, Indonosiya, Baakistaan, Sucuudi Careebiya, iyo Jordan. Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan martigaliyaha kulanka ayaa hoosta kaxariiqi doona muhiimada doorka korjoogtaynta kaga aadan dalalka Muslimka ah heshiiska xabad joojinta iyo nabad waarta oo kadhalata magaaladda Gaza

Fidan ayaa sidookale wasiirada dalalkaan kala hadli doona kaalmada bini’aadantinamada Gaza inay tahay midyar ooaan kufilnayn waxkaqabashada xaaladaha nololeed ee halkaas kataagan, Israa’iilna ay kuguuldaresatay fulinta waajibaadka kaga aadan xaaladaha cakiran ee Gaza

Read more

Local News