KEIV, Ukraine – Andrii Sybiha Wasiirka arrimaha dibadda dalka Ukraine ayaa ku eedeeyay dalka Ruushka inay ku khiyaamayso ama ku khasbeyso Afrikaanka inay saxiixaan heshiisyo ciidan oo u dhigma xukun dil ah, isaga oo sheegay in shisheeyaha ku jira ciidamada Ruushka ay wajahaan nasiib darro iyo arin murugo leh, maadaama badankood si degdeg ah loogu diro weerarro is miidaamin ah oo ay si fudud ugu dhintaan.
Digniinta wasiirka ayaa timid iyada oo dowlado Afrikaan ahi ay qireen in qaar ka mid ah muwaadiniintooda ay ku biireen ciidamada Ruushka ee ku jira dagaalka Ukraine.
dowladda Kenya ayaa bishii hore sheegtay in qaar ka mid ah muwaadiniinteeda lagu xiray xeryo ciidan oo Ruushka kuyaala kadib markii ay si lama filaan ah uga dhex muuqdeen dagaalka.
Dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay Khamiistii in 17 muwaadin oo u dhashay dalkaas oo ku xayiran gobolka Donbas ee Ukraine ay soo dirsadeen fariimo ay ku codsanayaan gargaar iyo in dalkooda dib loogu celiyo, kadib markii ay ku biireen kooxo ciidan calooshood u shaqeystayaal ah oo Ruushka u dagaalama.
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa qoraal uusoo dhigay Jimcihii baraha bulshada ku sheegay in uu la hadlay Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy kawada xaajoodeen dhalinyarada Kenyan-ka ah ee sida sharci darrada ah loogu qortay dagaalka Ukraine, waxayna isla garteen in la ga wacyigaliyo khataraha safarrada noocaas ah.
William Ruto ayaa waydiistay Zelenskyy inuu sii daayo muwaadin kasta oo Kenyan ah oo ku jira gacanta ciidamada Ukraine, isagoo sheegay inuu uga mahadcelinayo aqbalidda codsigiisa.

