Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan jiri doonin masuul, ama sarkaal kasocda dalka Maraykanka inuusan kaqayb gali doonin shirka wadamada G 20 oo sanadkaan kadhacayA Magaaladda Johannesburg ee ee dalka Koofur Afrika 22-23 bishan November.
Trump ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu kuleeyahay baraha bulshada ee “Truth Social” ku sheegay inuusan Maraykanku tagi doonin dal lagu dhibaateeyo dadka Cadaanka ah, ayna ceeb tahay in Koofur Afrika ay martigaliso shirkaan, dadka Afrikaanka ah ee asal ahaan kasoo jeeda Netherland iyo sidookale muhaajiriinta Faransiiska iyo Jarmalka ayuu sheegay in ladilo, la gowraco, dhulkooda iyo beerahoodana si sharci darro ah looga qaato.

Dowladda Koofur Afrika oo kajawaab celisay hadalka madaxweynaha Maraykanka ayaa kudooday in sheegashada xasuuqa dadka cadaanka ah uu yahay mid aan cadaymo lagu kalsoonyahay lahayn, shirka wadamada G20 ga ayaa ah mid sanadle ah kaasoo looga arinsado dhaqaalaha caalamka, isbadalka cimilada iyo horumarka waara dhaqaalaha wadamadaan kubahoobay G20 ayaa dhaqaalaha caalamka ka’ah 85% iyadoo sanadkii lasoo dhaafay lagu qabtay caasimada Brazil ee Rio de Janeiro.

