KINSHASA, DRC – Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Lubumbashi ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC) ayaa doortay hoggaan cusub, kaddib doorasho iyo wadatashi socday dhowr maalmood.
Hoggaanka cusub ee la doortay waxaa kala yihiin:
Guddoomiye: Mr.Shukri Ahmed Nur
Guddoomiye Ku-xigeen: Ibrahim Mohamed Noor
Xoghayaha Guud: Ahmed Abdi Ali
Xoghayaha Ku-xigeen: Mohamed Abdulahi Dahir
Doorashadan ayaa lagu tilmaamay mid mideysay bulshada, isla markaana ka tarjumaysa rabitaanka Soomaalida ku nool gobolkaasi.

Danjire Ilyas Ali Hassan, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tanzania, DRC iyo Urur Goboleedka EAC, oo goob joog u ahaa doorashada, ayaa ammaanay sida ay bulshada Soomaaliyeed u maareeyeen geeddi-socodka doorashada, isagoo sheegay in hannaankaasi ka tarjumayo biseyl iyo wadajir bulshada dhexdeeda ah.
Safiirka ayaa sidoo kale soo dhaweeyay hoggaanka cusub, isaga oo u rajeeyay in ay ka shaqeeyaan mideynta bulshada, ilaalinta danahooda, iyo horumarinta xiriirka bulshada Soomaaliyeed ay la leedahay dowladda DRC.

