Kiev Ukrain- Baarlamaanka dalka Ukrain ayaa maalinimadii shalay ucodeeyay in meesha laga saaro xubno wasiiro ah oo ay ku eedeeyeen Musuqmaasuq iyo wax isdaba marin, wasiirada ay sida gaarka ah ubartilmaameedsadeen ayaa kala ah wasiirka Cadaaladda iyo wasiirka Tamarta dalka Ukrain.
Sida ay kuwarantay wakaalada wararka Ukrain, 323 mudane ayaa ucodeeyay in la cayriyo wasiirka cadaaladda, halka cayrinta wasiirka Tamarta ay ucodeeyeen 315 mudane, sida kucad warbixinta; labada wasiir iyo ra’iisulwasaaraha Ayaan xaadirin kalfadhiga baarlamaanka iyaga oo kacaraysan kuxigeenadooda oo lafilayay inay xildhibaanada siiyaan warbixin, Afhayeenka baarlamaanka Ukrain Ruslan Stafanchuk ayaa sheegay in xubnahaan wasiirada ah laguwargaliyay kulanka.
Mooshinka cayrinta ah ayaa waxaa soo gudbiyay Kuxigeenka Ra’iisulwasaaraha Ukrain Taras Kachka, gudoomiyaha baarlamaanka ayaana sidagdag ah usaxiixay mooshinka kadib codeynta xildhibaanada.
Hay’adda kahortaga Musuqmaasuqa ayaa baaraysa $100 million oo dollar oo isugu jirta lunsasho iyo lacag dhaqid ay kulugleeyihiin saraakiisha tamarta iyadoo sidoo kale eedeyn ujeedisay ganacsade lagu magacaabo Timur Mindich.
Madaxweynaha Ukrain Volodymr Zelensky ayaa lagu wargaliyay xilkaqaadista labada wasiir ee Cadaaladda iyo Tamarta, Gudiga sharci dajinta baarlamaanka ayaa iyaguna xoojiyay xilkaqaadista lagu sameeyay wasiirdaan.

