Madaxweynihii hore ee Brazil Jair Bolsonaro ayaa xabsiga la dhigay kadib markii la ogaaday inuu isku dayayo inuu dalka ka duulo xilli uu ku jiray xabsi guri.
Madaxweynihii hore ee Brazil ayaa lagu helay inuu isku dayayay afgembi militari bishii September waxaana lagu xukumay 27 sano oo xabsi ah, balse wuxuu kusii jiray xabsi guri ilaa uu racfaan ka qaadanayo.
Garsooraha Maxkamadda ugu Sarreysa Brazil ayaa sheegay in tallaabada lagu xiray Bolsanaro oo 70 jir ah ay tahay mid looga hortagayo xaqiiqooyin cusub oo soo if-baxay.
Bolsanaro ayaa qirtay inuu isku dayaya inuu furo qalabka anqawga uga xiran ee lagula socdo, balse wuxuu beeniyay inuu doonayay inuu gebi ahaan iska saaro.
Saraakiisha maxkamadda ayaa sheegay inuu doonayay inuu adeegsado isu soo bax la qorsheeyay oo ka dhacayay dibadda gurigiisa si uu marmarsiyo uga dhigto inuu isaga saaro qalabkaas.

