Friday, August 28, 2026

Trump Oo Joojiyay Qaxootiga ka Imaanaya Dalalka Qaarada Saddexaad

Share

Washington, US- Madaxweynaha Maraykanka Donald J Trump oo si adag ula dagalaamaya soo galootiga sharci darada kujooga dalka Maraykanka ayaa  joojiyay qaxootiga ka imaanaya guud ahaan Qaarada Afrika, hakin joogto ah.

Hadalka Trump ayaa kusoo aaday xili maalinimadii Arbacada nin udhashay dalka Afghanstan uu toogtay 2 katirsan ilaalada qaranka dalka Maraykanka oo midi dumar ahayd una dhimatay dhaawacii soogaaray, falkaan oo kadhacay Caasimadda Washington, isagoo falkaas kutilmaamay mid argagaxisnimo.

Qoraal uu kubaahiyay bartiisa internet ka ee “Truth Social” ayuu kusheegay “inuu joojinayo qaxootiga ka imaanaya dunida sadexaad si uu sibuuxda usoo kabsado nidaamka dalka dalka Maraykanka, sidoo Kalana uu Meesha kasaari doono malaayiinta uu sida sharci darada ah uqoray maamulkii isaga kahoreeyay ee Joe Biden”.

Waxa uu intaa raaciyay inay joogsa doonaan lacagaha kabka ah ee lasiiyo dadka aan muwaadiniinta dalkaas udhashay ahayn, lana tarxiili doono qofkasta oo Ajnabi ah oo kunool lacagta muwaadiniinta Maraykanka ah, qatar ku ah amniga dadka Amerikaanka ah iyo qofka aan la qabsan ilbaxnimada reer Galbeedka.

Waaxda qaabilsan soogalootiga ee (USCIS) Ayaa lasocod siisay muwaadiniinta Afghan ka ah in lajoojiyay codsashada qaxootinimadooda.

Horaantii sanadkaan maamulka Maraykanka ayaa mamnuucay Visaha 12 dal iyo xanibaada muwaadiniinta 7 dal.

Read more

Local News