Home DIBADDA Ruushka oo Duqayn Diyaaradeedkii ugu waynaa kuqaaday Ukraine Muddo Bil Gudeheed ah

Ruushka oo Duqayn Diyaaradeedkii ugu waynaa kuqaaday Ukraine Muddo Bil Gudeheed ah

0

Kiev Ulraine- Ruushka ayaa duqaymihii ugu cuslaa ee cirka ah kagaystay gudaha dalka Ukraine bil gudaheed halkaasoo ay ku dhinteen saddex qof sida uu xaqiijiyay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, Ruushka ayaana weerarkaan u’adeegsaday 36 gantaal iyo 600 oo drone  habeenimadii Jimcaha.

Goobaha bartilmaameedka u’ah weerarkaan ayaa ahaa kaabayaasha Tamarta iyo goobo ay daganyihiin dadka rayidka ah weerarka ayaana gaystay burbur baaxad leh iyo dab kakacay guryo ay daganyihiin dad rayid ah, Caasimada Kiev ayaa kujirtay go’doon kadib markii 10 saacadood oo xiriir ah uu kadaarnaa nidaamka difaaca hawada ee kadiga weerarada gantaalaha ah.

Wasiirka Tamarta Ukraine ayaa sheegay in weerarka Ruushka uu sababay in 600,000 oo kun oo qof ay koronto la’aan noqdaan.

Poland oo jawaab kabixinaysa weerarka uu Ruushka kuqaaday Kiev ayaa shiday nidaamkeeda difaaca hawada iyo diyaaradaha Milatariga.

Weerarka ayaa yimid xili lafilayay in Caasimadda Moscow ay booqdaan Masuuliyiin kasocda Maraykanka, si ay wadahadal kusaabsan qorshaha nabada ee maamulka Trump ulayeeshaan Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin todobaadka soosocda.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version