Thursday, August 27, 2026

Madaxweyne Madoobe oo Kismayo Qaabilay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Share

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta Magaalada Kismaayo ku qaabilay Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, Danjire Richard H. Riley, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku Tagay Jubaland.
Intii uu socday kulanka, oo ay Madaxweynaha ku wehliyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah, ayaa si qoto dheer looga wadahadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan arrimaha amniga, taageerada Dowladda Maraykanka ee mashaariicda horumarineed, iyo xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Read more

Local News