Thursday, August 27, 2026

Gudoomiye Kuxigeenka Aqalka Sare Oo Kormeer ugu tagay Guddiga Dib U Eegista iyo La Socodka Hirgelinta Dastuurka

Share

Guddoomiye ku xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta kormeer kooban ugu tagay Guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgelinta Dastuurka oo ku guda jira howlahooda dib u eegista Dastuuurka gaar ahaan cutubyada 5-aad ilLaa 9-aad ee uu Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurku u soo gudbiyay.
Guddoomiye Cali Shacbaan oo si kooban uga hadlay muhiimadda dastuurka dhammeystiran uu u leeyahay geeddi socodka siyaasadeed iyo dimuqraadiyadeed ee dalka, ayaa ku booriyay xubnaha guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgelinta Dastuurka in la dardargaliyo howlaha wax kabeddelka Dastuurka.
Dowladda Soomaaliya ayaa wada wax akabadal lagu samaynayo dastuurka ayadoo horay waxa kabadal ugu samaysay afarta cutub ee ugu horaysa.

Read more

Local News