Thursday, August 27, 2026

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo Kagudoomay Safiirada Sideed Dal

Share

Muqdisho, Soomaaliya- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoontay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo Safiirro ka socda siddeed dal oo kala ah; Masar, Indonesia, Sweden, Cuba, Canada, Finland, Norway, iyo Spain; Danjirayaasha lasoo magacaabay ayaa kala ah Mohamed Salah Keshtah, Indonesia Witjaksono Adji, Sweden Hans Henric Lundvqist, Cuba Marwo Inés Fors Fernandez, Canada Joshua Brenber Tabah, Finland Marwo Riina Riikka Heikka, Norway Marwo Siv Cathrine Moe iyo Spain Jaime Alejandro Moreno Bua.

Madaxweynaha oo ugu hambalyeeyay Danjireyaasha xilka loo soo igmaday, ayaa la wadaagay in dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya ay soo dhaweynayaan, kuna garab siinayaan gudashada waajibaadkooda diblomaasiyadeed, kaas oo ay ugu horreeyso xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labo geesoodka ah.
Dhankooda, Danjireyaasha cusub ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiiyey salaan iyo farriimo ay ka sideen hoggaanka dalalkooda, waxa ayna muujiyeen in ay mudnaan siinayaan xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Soomaaliya, iyagoo ka mahad celiyey qaabilaadda iyo soo dhaweynta loogu sameeyey Villa Somalia.
Munaasabaddan ayaa si maamuus sare leh ugu qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka, iyadoo ay ka qeyb qaateen cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida oo salaan sharaf ku maamuusay Danjireyaasha warqadahooda u gudbiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Read more

Local News