Friday, August 28, 2026

Golaha Amaanka Qaramada Midoobay Oo Booqasho Kutagay Dimishiq Kadib Sanado Go’doon Siyaasadeed ah

Share

Dimishiq, Siiriya- Wafdi kasocda Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Khamiis ah u’ambabaxay Caasimadda Siiriya ee Dimishiq tan iyo sanadkii 2011 ka kolkaas oo caalamku joojiyay xiriirkii iyo wadashaqayntii uu lalahaa Siiriya sababo laxiriira kutumashada xuquuqda aadanaha.

Kadib Markii ay waftiga golaha soo gaareen caasimadda waxa ay indha- indhayn kusameeyeen xaafada Jobar si ay u’arkaan burburka ay sababeen maamulkii Bashaar Al- Asad, Waftiga ayaa sidoo kale booqasho kutagay goobaha qadiimiga ah iyadoo uu booqashadaan qayb ka ahaa ergayga Qaramada Midoobay uqaabilsan Siiriya; Ibrahim Olabi.

Waftiga Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa loo galbiyay qasriga Alshacab halkaasoo ay wadahadalo kula yeelan doonaan madaxweynaha Siiriya Axmed Alsharaa, inta ay kuguda jiraan booqashada  waxay sidoo kale lakulmi doonaan gudiga masuulka ka ah xaqiiqa raadinta baarista dhacdooyinkii kadhacay gobolka Swaida iyo sidoo kale gobolka xeebta ah.

Booqashada Waftiga ayaa imaanaysa iyadoo ay Siiriya ay ugu astaysantahay sanad guuradii kowaad ee kasoo wareegtay markii uu meesha kabaxay nidaamkii kaligiis taliska ahaa ee xisbigii Baath oo mudada xilhayntiisa ah soo taxnayd tan iyo 1963 da iyo sidoo kale xukunkii Bashar Al- Asad oo soo xukumayay Siiriya tan iyo sanadkii 2000.

Xafiiska warfaafinta Wasaarada Arrimaha Dibadda ayaa shaaciyay in booqashada waftiga Qaramada Midoobay ay katurjumayso taageero caalami ah Siiriyada cusub iyo dadaalada loogu jiro dib udhis ka, xoojinta madaxbanaanida iyo xasiloonida wadanka.

Xoghayaha Golaha Amaanka Qaramada Midoobay Samuel Žbogar ayaa sheegay in booqashada Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ay daarantahay taageerida Siiriya iyo xoojinta kalsoonida ay Golaha Amaanku kuqabaan Siiriya.

Read more

Local News