Thursday, August 27, 2026

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Soo Xiray Shirwaynaha Lixaad Ee Hogaanka Iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed

Share

Muqdisho, Soomaaliya- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hoggaanka iyo hal abuurka Soomaaliya kaas oo sadexdii maalin ee lasoo dhaafay kasocday magaalada Muqdisho, ayaa soo bandhigay qorshayaasha ay dowladdu ku awood siinayso dhallinyarada Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka mid yihiin dib u habeynta waxbarashada, dhiirri gelinta barnaamijyada dhallinyarada iyo hirgalinta doorashada dadweynaha taas oo suurta galinaysa in ay door firfircoon ku yeeshaan talada dalka.

Madaxweynaha oo dhagaystay talooyinka iyo aragtida dhallinyarada Soomaaliyeed ee dowladnimada ayaa ku adkeeyay inay mideeyaan maskaxdooda, hal abuurkooda, cududdooda iyo dadaalkooda, sidii uu dalka Soomaaliya uu ula tartami lahayd dalalka horumaray ee caalamka.
Hadalka Madaxweynaha ayaa udhignaa sidatan “Maanta waxaan u baahanahay in aan deg deg u dhaqaaqno oo aan horumarno, Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa laga rabaa in ay la yimaadaan hal abuur ku saleysan abaabul, wadajir, wacyi sarreeya iyo hoggaan mideysan. Isbeddel kasta oo dhaca dhallinyarada ayaa keenta”.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey dhabar adaygga iyo kartida dhallinyarada Soomaaliyeed oo dhiiggooda u huray gobanimada iyo difaaca dalka, isaga oo ku booriyay barashada xirfadaha casriga ah, gaar ahaan tiknoolijiyadda oo qeyb wayn ka qaadan karta kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga, hal abuurka iyo isku filnaashaha dalka.

Read more

Local News