Thursday, August 27, 2026

Dowladda Soomaaliya oo baaq kasoo saartay qalalaasahii rabshadaha watay ee ka dhacay Magaalada Boorama.

Share

Warsaxaafadeed ka soo baxay dowlada ayaa lagu yiri”Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay ka xun tahay qalalaasahii rabshadaha watay ee ka dhacay Gobolka Awdal, gaar ahaan Magaalada Boorama.
Dowladdu waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Ehelada Dadkii halkaas ku geeriyooday, waxayna caafimaad degdeg ah u rajaynaysaa muwaadiniinta ku dhaawacmay. Falkaasi wuxuu ahaa mid nasiib darro ah oo laga baaqsan karayay.
Waxaan ugu baaqaynaa Maamulka Somaliland in ay u turaan Shacabka deegaanka, in la dhageysto lana tixraamo dareenkooda, isla markaana si masuuliyad leh loo xaliyo tabashada Shacabka, lagana dheeraado ficil kasta oo xaaladda uga sii daraya.
Dowladdu sidoo kale waxay ugu baaqaysaa Odayaasha Dhaqanka, Culumada, Ganacsatada, Haweenka, Dhalinyarada iyo guud ahaan Shacabka Gobolka Awdal in ay muujiyaan daganaan, lana joojiyo ficilada waxyeeleynaya badqabka iyo xasiloonida magaalooyinka iyo Bulshada ku nool intaba, isla markaana wadahadal loo maro xal u helista xiisadda taagan.
Ugu dambayn Dowladda Federaalka ah waxay sheegtay in diyaar u tahay in ay ka qayb qaadato taakuleynta Dhaawacyada u baahan gargaar caafimaad.
“وَلَا تَقْتُلُوا النَّفْسَ الَّتِي حَرَّمَ اللَّهُ إِلَّا بِالْحَقِّ ۗ ذَٰلِكُمْ وَصَّاكُم بِهِ لَعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ”

Read more

Local News