Cotonou, Benin- Isku day Afgambi oo ladoonayay in xilka lagaga tuuro Madaxweynaha dalka Benin Patrice Talon ayaa kusoo dhamaaday fashil, Askar kulabisan darayska ciidanka oo uu hogaaminayo sarkaal lagu magacaabo Colonel Tigri Pascal oo kasoo muuqday telefishinka dowladda dalka Benin iyagoo kasiidaayay inay xukunka dalka lawareegeen, kala direen hay’addaha dowladda, waxay sidoo kale joojiyeen dastuurka, iyagoo xiray cirka, dhulka, badda iyo xuduudaha dalka Benin.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Benin Alassane Seidou ayaa qoraal uu sii daayay kusheegay “inuu fashilmay afgambi ay doonayeen milatariga dalkaas inay xilka kaga tuuraan madaxweynaha dalka Benin, Patrice Talon, ganacsiga dadkuna uu si caadi ah usocdo”
Wasiirka arrimaha dibadda Olushegun Adjadi Bakari oo uwaramay wakaaladda wararka Reuters in qayb kamid ah ciidanka ay isku dayeen afgambi balse xoogaga daacada u’ah madaxweynaha ay kashaqaynayaan sidii ay kusoo celin lahaayeen kala dambaynta, afgambigana uu yahay kaliya mid kukooban telefishinka laga siidaayay.
Safaarada Faransiisku kuleeyahay Benin ayaa kuwarantay in dhawaqa xabado isdaba jog ah laga maqlay qasriga madaxtooyada dalka Benin, safaarada ayaa sidoo kale muwaadiniinteeda lawadaagtay inaanay guryahooda kasoo bixin.
Afgambiga Fashilmay ee kadhacay Benin ayaa kusoo aaday xili uu dalkaas isku diyaarinayay doorashada madaxweynaha bisha April ee soo socota iyo gabagabada xukunka toban sana jirsaday ee madaxweynaha dalka Benin, Patrice Talon.
Bishii lasoo dhaafay ee November dowladda dalka Benin ayaa waxkabadal kusamaysay dastuurka dalkaas iyadoo muda xileedka madaxweynaha kukordhisay 5- 10 sano.
Ururgoboleedyada ECOWAS iyo Midowga Afrika ayaa si isku mid ah ucambaareeyay afgambiga dhicisoobay ee ladoonayay in xilka lagaga tuuro madaweynaha mudada tobanka sano ah hogaanka dalka Benin haya ee Patrice Talon.
Gudoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf oo kahadlay afgambiga dhicisoobay ee Benin ayaa yiri “Midowga Afrika wuxuu garab taaganyahay Shacabka iyo dowladda Benin si ay usoo celiyaan dastuurka, iyo xoojinta hay’adaha dimuqraadiga ah”
Dalalka Afrika gaar ahaan Galbeedka Afrika ayaa wajahaya Afgambiyo tira beel ah, bishii lasoo dhaafay xoogag hubaysan ayaa lawareegay xukunka dalka Guinea Bissau, dalka Gabon hogaamiye milatari ayaa isna xoog kala wareegay xukunka dalkaas sanadkii 2023 ka Madaxweyne Ali Bongo Odimba oo isaga iyo qoyskiisaba muddo 56 sano ah soo xukumayeen dalka Gabon, isla sanadka 2023 ka madaxweyne si dimuqraadi ah loo soo doortay talada dalkaasna joogay kaliya muddo laba sano ah ayaa si xoog ah looga tuuray milatariga dalkaas oo uu hogaaminayo Abdourahamane Tchiani ayaana xukunka dalkaas lawareegay.
