Home DIBADDA Madaxweynaha Soomaaliya Oo Shir Gudoomiyay Kulan Doceed Looga Hadlayay Dowlad Dhiska Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Shir Gudoomiyay Kulan Doceed Looga Hadlayay Dowlad Dhiska Soomaaliya

0
Dooxa, Qatar- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sidii loo midayn lahaa taageerada caalamiga ah, kaas oo qeyb ka ahaa Madasha Dooxa ee siyaasadda iyo amniga.
Madaxweynaha ayaa kulanka ku soo bandhigay qorsheyaasha hirgalay ee Soomaaliya ay ku xaqiijinayso xasilloonida, amniga iyo dib-u-habaynta hay’adaha dowladda, madaxweynaha ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay dagaal dhanka milatariga, dhaqaalaha iyo fikirka ah kula jiraan argagixiso caalami ah oo ku soo duushay Soomaaliya.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka hadlay hirgalinta doorashooyinka tooska ah oo meel wanaagsan maraya iyo muhiimadda ay leedahay dhammaystirka Dastuurka dalka oo aas-aas u ah dowladnimada, waxa uuna ku booriyay beesha caalamka in taageeradooda ay noqoto mid isku duuban oo waafaqsan Qorshaha Qaran ee Soomaaliya.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay dhismaha dowlad adkaysi leh oo ku dhisan sharciyad, amni iyo horumar, isagoo uga mahadceliyay saaxiibada caalamka taageeradooda joogtada ah ee ay marwalba ufidiyaan Soomaaliya.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version