MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uga mahad celisay in uu si rasmi ah maanta u dhameystiray dhismaha Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.
Wasiir Khadija Mohamed Al-makhzoumi oo kahadashay saxiixa madaxweynaha ee dhameystirka dhismaha Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ayaa tiri “Waxaan si miisaan leh ugu mahad celinayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu maanta si rasmi ah qalinka ugu duugay ama u saxiixay, dhameystirka dhismaha Xubnaha Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo ay horey usoo ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirrada, ayadoo saxiixaasina uu Madaxweynaha kusoo beegay maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka”.
Tallaabadan uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku saxiixay Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka waxa ay si rasmi ah u dhameystireysaa geeddi dheer oo ay dadaal iyo juhdi xooggan ugu bixisay dhismaha Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka kaasi oo ay Soomaaliya soo waday sanado badan ayey hadalkeeda sii raacisay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi.
Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa sanado badan oo dadaal dheer ku bixisay inay Soomaaliya markii ugu horeysay yeelato guddi madax bannaan oo qaabilsan Xuquuqul Insaanka Qaranka ayadoo dhismaha Guddigan uu ka mid yahay go’aannadii kasoo baxay Shirweynihii Qaran ee Xuquuqul isnaanka ayadoo sida uu qabo Dastuurka KMG ka ah ee dalkana uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda leeyahay saxiix dhameystirka guddiyada Madaxa bannaan.

