Home DIBADDA Maraykanka oo cunaqatayn ku soo rogay lix markab oo kale kadib kii...

Maraykanka oo cunaqatayn ku soo rogay lix markab oo kale kadib kii ay ku qabteen Venezuela.

0

Mareykanka ayaa cunaqabateyn cusub ku soo rogay lix markab oo kale oo la sheegay in ay sideen saliida Venezuela, maalin kadib markii ay qabteen markab marayay xeebaha dalkaasi.

Cunaqabatayn ayaa sidoo kale la saaray qaar ka mid ah qaraabada madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro iyo ganacsiyada xiriirka la leh waxa ay Washington ugu yeertay maamulkiisa aan sharciga ahayn.

Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa saxaafadda u sheegtay in markabka la qabtay oo lagu magacaabo Skipper, uu ku lug lahaa “shidaal sharci darro ah” lana geyn doono deked ku taalla Mareykanka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version