Kismaayo, Soomaaliya:- Shirka golaha samatabixinta Soomaaliya ayaa lafilayaa in galinka dambee ee maanta uu kafurmo Magaaladda Kismaayo ee xuranta kumeel gaarka ah ee Jubaland, Wufuud kala gadisan oo ay kamidyihiin masuuliyiin xilal kala duwan kasoo qabtay Soomaaliya ayaa tan iyo shalay kusii qulqulayay Kismaayo.
Sadex ra’iisulwaasaare hore; Cabdi Faarax Saacid Shirdoon, Xasan Cali Khayre Maxamed Xuseen Rooble iyo sidoo kale madaxweynaha maamulka Puntiland Siciid Cabdulaahi Dani ayaa maalinkii shalay gaaray magaalada Kismaayo waxaana halkaas kusoo dhaweeyay madaxweynaha martigalinaya shirka ee Axmed Maxmed Islaam Madoobe.
Hogaamiyaha madasha samatabixinta Soomaaliya madaxweyne hore Shariif Sh Axmed ayaa subaxnimada saaka ah kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaana halkaas kusoo dhaweeyay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, galinka dambe ee maanta ayaa lafilayaa inuu si rasmi ah ufurmo shirkan aaya katashiga Soomaaliya oo kal hore baaqday.
Mudda xileedka hay’adaha dowlada Soomaaliya ayaa ah mid gabaabsi ah iyadoo mudada xilhaynta madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ay tahay mid ay ka harsantahay shan bilood waxaana gabagabo kusii dhaw mudada xilhaynta xildhibaanada labada gole ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.
Geesta kale dowladda Soomaaliya ayaa ku adkaysanaysa inay dalka kahirgalinyaso doorasha Qof iyo Cod ah taasoo soo bilaabatay muddo fog, gudiga doorashooyinka madaxa banana iyo Soohdimaha Qaranka ayaa sheegay in 25 ka December ay qaban doonaan doorashooyinka golayaasha deegaanka Gobolka Banaadir oo dhowr jeer dib udhac ku imaaday, madaxweynaha Soomaaliya ayaana dhawaan qaatay kaarka codbixinta doorashada golayaasha deegaanka Gobolka Banaadir, xubnaha wasiirada Soomaaliya ayaa qaaday olole ay dadka ugu dhiiri galinayaan qaadashada kaarka codeynta.
