Thursday, August 27, 2026

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Addisababa Kulakulmay Abiy Ahmed

Share

Addis Ababa, Ethiopia- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo hal maalin ku tagay magaalada Addis Ababa ee Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya, ayaa maanta kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda iyo arrimaha gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii ambaqaadidda wada-shaqeynta ku dhisan is-ixtiraamka, daris wanaag iyo danta guud ee Labada dowladood, si loo xaqiijiyo xasilloonida Geeska Afrika.

Read more

Local News