Home DIBADDA Maraykanka Oo Martigalinaya Wadahadalo Sadexgeesood Ah Oo Kusaabsan Xabad Joojinta Gaza

Maraykanka Oo Martigalinaya Wadahadalo Sadexgeesood Ah Oo Kusaabsan Xabad Joojinta Gaza

0

Miami, USA:- Ergayga Maraykanka uqaabilsan Bariga Dhexe Steve Wittkof ayaa magaaladda Miami ee Gobolka Florida ee dalka Maraykanka wadahadalo kula yeelanaya masuuliyiin ka kala socda dalalka Masar, Turkiga, iyo Qatar sidii loosie ambaqaadi lahaa wajiga xiga ee xabad joojinta Gaza, xilli ay Israil sii wado jabinta heshiiskii lagu gaaray magaaladda Sharma Al- Sheikh ee dalka Masar bishii October ee sanadkaan sii dhamaanaya ee 2025 ka.

Masuul katirsan Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa Aljazeera usheegay inuu uu qabanayo shir sadex geesood ah oo ay goobjoog kayihiin masuuliyiin matalaya dalalka Turkiga, Masar, iyo Qatar, si ay uga doodaan mustaqbalka heshiiskii loola danlahaa sidii ay Israil kujoojin lahayd xasuuqa ay mudada labada sana ah kawado marinka Gaza.

Warbaahinta Axios oo laga leeyahay Israil ayaa warisay in kulankaas ay qayb kayahayihiin ra’iisulwasaaraha iyo wasiirka arrimaha dibadda Qatar, Wasiirada arrimaha dibadda dalalka Turkiga iyo Masar Hakan Fidan iyo Badr Abdelatty.

Dhankiisa ra’iisulwasaaraha Israil Benjamin Netanyahu ayaa isna qabtay latashi amnio o kusaabsan wajiga labaad ee wadahadalada xabad joojinta Gaza.

Maraykanka ayaa ku adkaysanaya in xabad joojintii lagaaray October ay tahay mid wali shaqaynaysa halka ay Israil sii wado weeradeeda aan kala joogsiga lahayn ee kadhanka aha Xamaas ayna sii wado kabaxitaanka axdigii koowaad ee ay lagashay Xamaas.

Subaxnimadii saaka ciidanka Israil ayaa gantaalo iyo madaafiic culus kuweeraray Bariga Khan Yunis ayadoo uga danleh mid ay kucarqaladaynayso heshiiska xabad joojinta ah.

Ciidanka Israil ayaa qaaday 58 weerar tan iyo intii ay gashay heshiiska xabad joojinta ah, 69 maalmood kahor.

Qatar iyo Masar oo ah dhedhexaadiyayaasha iyo sidoo kale damaanad qaadayaasha ilaalinta heshiiska xabad joojinta ayaa kudooday in lasoo gabagabeeyo wajiga koowaad lana bilaabo wajiga labaad iyadoo qorshuhu yahay mid ay Israil sibuuxda ugala baxayso ciidankeeda Gaza, iyo in Gaza lageeyo ciidan xasilin caalami ah (international stabilisation force ISF).

Dhanka kale Ururka Xamaas ayaa iyagu wadahadalada Miami loogu madlanyahay kayiri Waa in ladhameeyo carqaladaynta ay Israil kuwado dhulka Falastiiniyiinta, dadkeenu waxay naawilayaan in wadahadaladaan ay kasoo baxaan natiijo heshiis lagu yahay si loosoo afjaro sharci darada Israil ee sii socota”.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version