Muqdisho, Soomaaliya- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kahadlayay isusoobax balaaran oo xisbiga Cadaalada iyo Wadajirka ee JSP kusoo gabagabeenayeen ololaha ay ugu diyaar garoobayaan doorashada golayaasha deegaanka ee lafilayo inay kaqabsoonto magaaladda Muqdisho Khamiista soo socoto ayaa kahadlay qayb kamid ah warmurtiyeedkii kasoo baxay shirkii Aaya katashiga ee kaqabsoomay Kismaayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warmurtiyeedka mucaaradka kushiray Kismaayo sheegay in warkooda ay kaqaateen halawadahadlo isla markaana dowlada iyo xafiiska madaxweynaha ay ka furantahay gogosha, dowladuna ay kajaawaabayso baaqii kasoobaxay magaaladda Kismaayo.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa mucaaradka ugu baaqay inuu furanyahay wadahadalka ayna soo dhawaynayaan cidkasta oo lagalaysa aysanna qabin ciil iyo colaad balse ay diidanyihiin in lajoogo halkii horay loo joogay oo aan ladhaqaaqin horayna aan loosocon.
Hadalka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aadan  inuu furanyahay wadahal ay lagayaan mucaaradka ayaa imaanaya xili dabayaaqada todobaadkii hore uu shir Aaya Katashi uga furmay magaaladda Kismaayo Madasha samatabixinta iyo maamulada Puntiland iyo Jubaland, kaas oo galinkii dambe ee Axada ay kasoo saareen warmurtiyeed kakoobnaa 17 qodob oo kusaabsanaa xaalada siyaasadeed ee dalka, iyo doorashooyinka qof iyo codka ah ee lafilayo inay kaqabsoomaan magaalada Muqdisho maalinta Khamista ah.
Shirka Aaya katashiga ah ee ay yeesheen Madasha Samatabixinta, iyo hoggaamiyayaasha Puntiland iyo Jubaland ayaa meesha kasaaray sidoo Kalana aysan aqoonsanayn doorashooyinka golayaasha deegaanka ah ee gobolka Banaadir iyagoo kutilmaamay mid ay hal koox wadato, laguna kala qaybinayo shacabka gobolka Banaadir isla markaasna lagu duudsiinayo xuquuqdii ay lahaayeen, maadaama aan heshiis lagu ahayn maqaamka caasimadda, waa sida ay hadalka udhigeene.
Dowladda Soomaaliya ayaa umuuqata mid dadaal badan galinaysa sidii ay dalka uga hirgalin lahayd nidaam doorasho Qof iyo Cod ah kaa oo kabadalan nidaamyadii horay ujiray ee lagu gali jiray doorashooyinka dalka, nidaamka doorasho qof iyo cod ayaa ah mid ay Soomaaliya ugu dambeesay 57 sano kahor, dowladaan ayaana umuuqata mid dadaal badan galinaysa sidii ay markale dalka uga hirgalin lahayd.

