Home Editor's Picks Soomaaliya Oo Dadaal Ugu Jirta Sidii Ay Uxalin Lahayd Xaalada Siyaasadeed Ee...

Soomaaliya Oo Dadaal Ugu Jirta Sidii Ay Uxalin Lahayd Xaalada Siyaasadeed Ee Soo Korortay

0

Muqdisho, Soomaaliya- Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii ay u xalin xasarada siyaasadeed ee kasoo cusboonaatay dalka kadib markii maalinimadii shalay, ay Isra’il kudhawaaqday inay dal madaxbanaan u’aqoonsatay maamulka Somaliland.

Golaha wasiirada Soomaaliya oo uu shirgudoominayo ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre oo shr degdeg ah kayeeshay aqoonsiga Isra’il ee Somaliland ayaa soo saaray go’aano adag oo kadhan ah talaabada ay Isra’il qaaday ee xadgudubka ku ah qaranimada Soomaaliya, golaha ayaa tilmaamay in aqoonsiga Isra’il ee maamulka Somaliland uu yahay duulaan qaawan oo lagu soo qaaday midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Ururada caalamiga ah, iyo dalalka saaxiibka dhaw la’ah Soomaaliya, oo siyaabo kala duwan kaga hadlay talaabada Isra’il ayaa cambaareeyay xadgudubka sharci darada ah ee ay saamaysay Isra’il.

Jaamacadda Carabta, ururka Midowga Afrika (AU) Dalalka Qatar, Sucuudiga, Turkiga, Yemen, Djabuti, Pakistan, Comoros, Jordan, Ciraaq, iyo dalal kale oo dhowr ah ayaa cambaareeyay talaabada ay Isra’il dal ugu aqoonsatay qayb kamid ah Soomaaliya.

Dhinaca Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee kumidaysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed iyo kuwa xilal hore hore kasoo qabtay Soomaaliya ayaa mowqif adag ka istaagay talaaabda Isra’il ayagoo qaarkod madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay inuu talada dhulka dhigo isla markaasna isugu yeesro saamilayda siyaasada.

Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka gaar ahaan maamuladda Koofurgalbeed, Galmudug, iyo Hirshabeele ayaa ayaa cambaareeyay xadgudubka Isra’il ee Soomaaliya, geesta warar soo baxaya ayaa tibaaxaya in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Sheekh Maxamuud uu wada hadal Khadka taleefanka ah layeeshay madaxweynaha maamulka Puntiland oo ay muddo isku hayeen arrimo siyaasadeed iyadoo wararkale oo soo baxaya ay sheegayaan in madaxweynuhu kulan isugu yeeray xubnaha mucaaradka ah ee kusugan Muqdisho.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo isagu aan kujirin madal siyaasadeed ayaa ayaa qoraal uu mareegaha internet kuleeyahay kufaafiyay, qoraal kaas ayaana udhignaa “Isra’il waa in ay uhogaansanaato sharciga caalamiga ah, ixtiraantana midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya, Somaliland na waa qayb kamid ah Soomaaliya, dadkeena waa kuwa umidaysan difaaca madaxbanaanidooda”.

Geesta dowladda Soomaaliya ayaa laba jibaartay dadalada ay kaga falceniayso falkii guracanaa ee ay Isra’il dal ugu aqoonsatay Somaliland, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay ayaa kulamo Khadka teleefanka ah layeeshay dhigiisa wasiirada arrimaha dibadda dalalka Turkiga, Djabuti, iyo Masar.

Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa isana wada hadal Khadka taleefanka ah layeeshay hogaamiyayaasha dalalka Bariga Afrika; Kenya, Tanzania,Djabuti, iyo Uganda William Ruto, Samia Suluhu, Ismail Omar iyo Yoweri Museveni.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dalalkaan kala hadlay xadgudubka sharci darada ah ee Isra’il ay qayb kamid ah Soomaaliya ugu aqoonsatay dal madax banaan, hogaamiyayaasha dalalkaan ayaa madaxweynaha umuujiyay garab istaag ku aadan midnimada dhuleed iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa gashay marxalad siyaasadeed oo adag kana duwan sidii hore madaxda ugu saraysa dowladda ayaana wada kulamo diblomaasiyadeed oo ay kaga jawaabayaan ficilada Isra’il ay dal ugu aqoonsatay qayb kamid ah Soomaaliya.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version