Muqdisho, Soomaaliya- Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay oo shir sharaa’id kuqabtay xarunta wasaarada ayaa kahadlay xadgudub ay Isra’il kusamaysay madaxbanaanida iyo wada jijirka dhuleed ee Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ummadda Soomaaliyeed iyo caalamka ucadeeyay inay lama taabtaan tahay madaxbanaanida iyo wada jijirka dhuleed ee Soomaaliya, wasiirka ayaa sheegay in wasaaradu adkayneyso qaraarka xukuumada, kan labada gole ee baarlamaanka, iyo hadal jeedintii madaxweynaha Soomaaliya uu kasameeyay fadhigii baarlamaanka ee maanta.
Wasiir Dhaay oo kuguda jira shirkiisa jaraa’id ayaa shacabka sheegay “In dalka Soomaaliya dhul iyo badba aan lakala jari Karin, lana qaybin Karin, talaabakasta oo lid ku ah dowladnimada Soomaaliyana diyaar utahay inay difaacdo iyadoo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed, dalalka saaxiibka la ah iyo ururada caalamiga ah”.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dalalka iyo ururada caalamka ogaysiiyay in talaabada ay Isra’il qaaday ay qatar kutahay nabadgalyada gobolka, marinka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isla markaasna dhiiri galinaysa kooxaha argagaxisada ah ee kunool geeska Afrika.
Dowladda Soomaaliya ayaa Isra’il kadalbatay inay si degdeg ah uga laabato go’aanka sharci darada ah ee qayb kamid ah Soomaaliya ugu aqoonsatay dal madax banaan, si loo ilaaliyo xasiloonida gobolka iyo caalamka.
Wasiir Dhaay ayaa shacabka Soomaaliyeed gudaha iyo dibadaba kunool ugu baaqay inay muujiyaan midnimo iyo wacyi qaran kana fogaadaan falka kasta oo dhaawacaya danaha qaranka.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale umahad naqay dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya urudada gobolka iyo caalamiga ah ee gsrab istaagay midnimada Soomaaliya muujiyayna mowqif kusalaysan ixtiraamka sharciga caalamiga ah, Axdiyada Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, iyo Ururka Is kaashiga Islaamka OIC.
Shirka jara’aaid ee wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa daba socda shirar iyo kulamo ay dowladda Soomaaliya kaga jawaabayso falkii ay Isra’il ku aqoonsatay qayb kamid ah Soomaaliya maalinimadii Jimcaha.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hortagay fadhi guud oo ay lahaayeen labada aqal ee baarlamaanka, madaxweynaha ayaa fadhigaas kadiray fariimo kuwajahnaa ra’iisulwasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu.

