Caracas, Venezuela- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Maraykanku ay gacanta kudhigeen madaxweynihii Venezuela Nicolas Maduro iyo Xaaskiisa kana saareen dalka Venezuela, kadib weeraro uu Maraykanku kuqaaday dalka Venezuela subaxnimada hore ee saaka.
Qoraal uu soo dhigay barta Truth Social madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayuu kusheegay in laqabtay Maduro iyo xaaskiisa lagana saaray dalka.
Madaxweyne kuxigeenka Venezuela ayaa kasoo muuqday telefishinka dalkaas isagoo sheegay in dowladu aysan kawarqabin aysanna garanayn meel lageeyay madaxweynihii iyo xaaskiisa.
Qaraxyo isdaba joog ah iyo diyaarado jawi hoose kuduulaya ayaa lagu waramayaa inay kadhaceen caasimada dalka Venezuela ee Caracas Sabtida maanta ah.
Dowladda dalka Venezuela ayaa kudhawaaqday xaalad degdeg ah kadib weeraradii isdaba jooga ahaa ee Maraykanku kuqaaday, Venezuela ayaa horay ugu eedaysay Maraykanka inuu weeraro kuqaaday xarumo ay daganyihiin dad rayid ah iyo saldhigyo milatari oo kuyaala gobolo katirsan dalka Venezuela.
Safaarada Maraykanka ee Colombia ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inaysan usafrin Venezuela, sidoo kale safaarada ayaa muwaadiniinteeda kusagan Venezuela ugu baaqday inay degdeg uga baxaan, warqada digitaanka safaarada waxaa sidoo kale kulamaanaa in March 2019 kii in waaxda arrimaha dibadda Maraykanka ay kala baxday caasimada dalka Venezuela ee Caracas diblomaasiyiintii kahowlgaleysay isla markaasna lajoojiyay howlgalkii socday.
