Muqdisho, Soomaaliya-Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay booqashadii uu maanta kutagay magaalada Hargeysa wasiirka arrimaha dibadda Isra’il Gedion Sa’ar iyo masuuliyiin kale oo kuwehliyay socdaalka u uku gaaray magaaladda Hargeysa .
Wasaarada ayaa xustay inay cambaareyneyso booqashada sharci darada ah ee masuuliyiinta Isra’il kugaareen magaaladda Hargeysa oo qeyb aan ka goi Karin madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Wasaarada ayaa tibaaxday in booqashadii waftiga ay maanta kugaareen magaaladda Hargeysa uu yahay mid sii wada xadgudubyo isdaba jog ah oo kadhan ah madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya iyo sidoo kale midnimadeeda siyaasadeed, falkaan ay u’aragto mid aan la aqbali Karin oo kadhan ah faragalinta arrimaha dibadda dalalka madax banaan ee qeybta ka ah Qaramada Midoobey.
Wasaarada arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in joogitaan kasta iyo xiriir kasta oo kadhasha iyadoo ay dowlada federaalka Soomaaliya aysan qeyb ka ahayn uu yahay mid sharci darro ah, waxba kama jiraan ooaan haysan wax sharciyad ah isla markaana aan saameyn laheyn.
Wasaarada ayaa Isra’il ugu baaqday inay sidegdeg ah ujoojiso dhamaan waxkasta oo dhaawacaya madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ayna ixtiraamto sharciyada caalamiga ah, Soomaaliya ayaa ururada caalamiga ah iyo kuwa gobolka inay meel uga soo wada jeestaan oo ay taageeraan madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo sidoo kale xuduudaha caalamiga ah ee loo aqoonsanyahay Soomaaliya.

