Hargeysa, Soomaaliya- Wasiirka aarimaha dibadda Isra’il Gedion Sa’ar Wasiirka Arrimaha dibedda Gideon Sa’ar iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaaladda Hargeysa ee maamulka Somaliland.
Waxaan garoonka diyaaraha ku qaabilay Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland.
Wasiirka arrimaha dibadda Isra’il Gedion Sa’ar iyo wafti kuwehliya booqashada Somaliland ayaa lafilayaa inay gaaraan magaaladda dekada kutaal ee Berbera.
Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in wasiirku inta uu ku sugan yahay Berbera uu kormeer ku sameyn doono dhul lagu qiyaasay ilaa 50km, kaas oo la sheegay in Israa’iil qorsheyneyso inay ka dhisato saldhig milatari.
Isra’il ayaa dowlad u’aqoonsatay maamulka Somaliland dabayaaqada sanadkii tagay ee 2025 ka iyadoo uu xiriir telefoon uu dhexmaray ra’iisulwasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro.
Somaliland ayaa u’aragta xiriirka ay layeelatay Isra’il mid taarikhi ah kadib muddo ay raadineysay aqoonsi caalami ah.
Geesta kale Midowga Afrika ayaa maanta kashiraya aqoonsiga Isra’il ee Somaliland iyadoo horay dowladda Soomaaliya kulan degdeg ah oo ay kacodsatay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey uu qabsoomay.
