Beijing, China ___ Wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyada China Wang Yi ayaa booqasho ku tagi doono dalalka Itoobiya, Soomaaliya, Tanzania, iyo Lesotho taasoo kabilaabmatay 07- 12 ka January sida ay kudhawaaqday wasaarada arrimaha dibadda China.
Wasiirka arrimaha dibadda China Wang Yi ayaa sidoo kale kaqaybgali doono sanadguurada 70 aad ee xiriirka China iyo Afrika taasoo lau wado inay kaqabsoonto xarunta ururka midowga Afrika ee Addisababa.
Booqashada Wang Yi ee afartaan dal iyo kaqaybgalkiisa sanadguurada 70 aad ee China iyo Afrika ayaa kaga dhigan sii wadista dhaqanka wanaagsan ee kala dhexeeya Afrika, markii ugu horeysay booqasho sanadkasta ah in kabadan 36 sano sida ay warsaxaafadeed kusheegtay afhayeenka wasaarada arrimaha dibadda China Mao Ning maalinimadii shalay.
Dalalka Itoobiya, Soomaaliya, Tanzania, iyo Lesotho ayaa ah kuwa xiriir wanaagsan kala dhexeeyo jamhuuriyada dadka ee Shiinaha, booqashada Wang Yi ayaana daaran xoojinta kalsoonida siyaasada ee labada dhinac.
Booqashadan ayaa sidoo kale ujeedadeedu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqangelinta qodobbadii ka soo baxay shir madaxeedkii Beijing ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika, xoojinta waxbarashada wadaagga ah ee Shiinaha iyo Afrika oo ah laba xadaaradood oo waaweyn, iyo in la isku duro dardar cusub si loo dhiso bulsho-cimilo oo dhan Shiinaha iyo Afrika oo leh mustaqbal wadaaga waaga cusub.
