Jidda, Saudi Arabia – Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa Shir degdeg ah oo heer Wasiirro Arrimaha dibadeed ah uga socda magaalada Jidda ee dalka Sacuudi Carabiya kaas oo looga arrinsanayo xadgudubka Israa’iil ay kula kacday midnimada iyo wadajirka dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya ka dib markii ay ka dhasheen xiisado siyaasadeed oo caalami ah.
Shirkan ayaa ah kulan gaar ah (extraordinary session) oo Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee OIC ay ku yeelanayaan magaalada Jidda, iyadoo diiradda lagu saarayo xaaladda Soomaaliya iyo aqoonsiga Somaliland.
Israa’iil ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay aqoonsatay maamulka Somaliland arrintan ayaana dhalisay cambaareyn caalami ah, gaar ahaan dawladaha Islaamka iyo kuwa Afrika.
Shirku wuxuu diiradda saarayaa in la xoojiyo taageerada midnimada Soomaaliya, si looga hortago faragelin iyo aqoonsiyo aan rasmi ahayn oo wax u dhimi kara madax bannaanida dalalka Islaamka.
OIC waxa ay shir degdeg ah ku yeelatay Jidda si ay uga hadlaan dhibaatada arrintan u keeni karto midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya, islamarkaana uga doodaan go’aano mideysan.
Kadib kulanka, Ururka Iskaashiga Islaamka OIC waxaa la filayaa inay soo saaraan bayaan rasmi ah (communiqué) oo muujinaya mowqif urur mideysan oo ku aaddan:
- Ilaalinta madax-bannaanida dalalka
- Diidmada aqoonsiga Somaliland
Taageerada dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sida ay talaabo diblomaasiyadeed oo kuhaboon uga hortagi lahayd aqoonsiga Israa’iil ee maamulka Somaliland.

