Djabuti, Djabuti – Ra’iisulwasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa gaaray dalka Jabuuti si uu kulan rasmi ah ula yeesho Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele, waxaana kulankooda ka baxay qodobo muhiim ah oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo xaaladaha gobolka Geeska Afrika.
Labada hoggaamiye ayaa kawadahadlay xoojinta xiriirka labageesoodka ah iyagoo ku adkeystay inay sii xoojiyaan iskaashiga dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay wadaagaan, maadaama Itoobiya ay aad ugu tiirsan tahay Jabuuti si ay u isticmaasho dekedaha iyo suuqyada caalamiga ah. Taa oo muhiim u’ah koboca ganacsiga, soo dejinta iyo dhoofinta badeecadaha Itoobiya.
Kulanku labada hogaamiye ayaa intii uu socday waxay iska waraysteen amniga gobolka iyo arrimaha nabadgelyada kulankooda ayaana si qoto dheer u taabtay arrimaha nabadda iyo amniga Geeska Afrika, gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta la dagaalanka argagixisada iyo hakinta khataraha kale ee gobolka horyaalla.
Madaxweynaha Jabuuti iyo ra’iisulwasaaraha Itoobiya ayaa sidoo kale ka wada hadlay saamaynta isbeddelada siyaasadeed ee gobolka, dhaqangelinta heshiisyada nabadda, iyo hababka loo marayo xasilinta xaaladaha siyaasadeed ee waddamada deriska ah.
Madaxweynaha Jabuuti iyo Ra’iisulwasaaruhu Itoobiya ayaa kulankooda diiradda ku saaray sidii loo dhiirrigelin lahaa iskaashi dheeri ah ku saabsan ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo adeegsiga dekedaha Jabuuti si ay u xoojiyaan xiriirka dhaqaale ee labada wadan.
Kulanka Madaxweynaha Jabuuti iyo Ra’iisulwasaaraha Itoobiya ayaa imaanya xili bilowga sanadkaan uu gobolka geeska Afrika cagaha lagalay xasarado siyaasadeed oo jihooyin kala duwan isaga imaanaya.

