Thursday, August 27, 2026

Dowladda Soomaaliya Oo Baabi’isay Heshiisyadii Ay Kula Jirtay UAE

Share

Muqdisho, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa meesha kasaartay heshiisyo dhowr ah oo ay kula jirtay dowlada Imaaraatka Carabta, kadib markii dowlada Soomaaliya ay kutilmaantay Imaaraadka Carabta inay kudhaqaaqeen talaabooyin wax udhimaya ama wiiqaya midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.

Kulan ay Galabnimadii shalay yeesheen Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa laga soo saaray bayaan kadhan ah xiriirka Imaaraatka Carabta, golaha wasiirada ayaa baabi’yay dhammaan heshiisyada ay dowlada Soomaaliya horay ula gashay Imaaraatka Carabta, gaar ahaan kuwa la xiriira amni, difaac, iyo maamulidda dekedaha istiraatiijiga ah sida Berbera, Bosaso, iyo Kismayo.

Dowlada Soomaaliya ayaana go’aanka ay qaadatay kutilmaantay, mid ay ku caddaynayso masuuliyaddeeda iyo xuquuqdeeda madaxbannaani ee la xiriirta dhulkeeda, dekadaheeda, arrimaheeda amniga, iyo arrimaheeda dibedda.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ansixiyey Hindise sharciyeedka Ilaalinta Madax bannaanida iyo Midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, Hindise sharciyeedka Taxkiimka iyo Xeer nidaamiyaha Sharciga Adeegyada Shirkadaha.

Dowlada Soomaaliya ayaa Hindise Sharciyeedka illaalinta madax bannaanida iyo midnimada dhuleed oo ka kooban dhawr iyo tobon qodob, mid mamnuucaya heshiis kasta oo ay maamul hoosaadyada iyo hey’adaha gaarka ah la galaan cid shisheeye ah, iyada oo aanan wax ogeysiin iyo oggolaansho laga haysanin dowladda federaalka Soomaaliya, korjoogtayna aysan ku lahayn wasaaradda uu heshiiskaas khuseeyo.

Read more

Local News