Home DIBADDA Shirka Sanadeedka Dhaqaalaha Aduunka Oo Kafurmaya Magaaladda Davos

Shirka Sanadeedka Dhaqaalaha Aduunka Oo Kafurmaya Magaaladda Davos

0

Davos, Switzerland – Magaalada dalxiiska ee Davos ee dalka Switzerland ayaa waxaa maanta oo Isniin ah ka furmay shirka sanadlaha ah ee Madasha Dhaqaalaha Adduunka (WEF), waxaana shirkan oo socon doona muddo shan maalmood ah  ka soo qeyb galay dad badan oo ka kala socda dhinacyada siyaasadda, ganacsiga, aqoonyahannada iyo bulshada rayidka ah.

Madasha sannadlaha ah ayaa isku dayaysa in ay qaabayso ajandayaasha caalamiga ah, iyadoo ku soo beegantay xilli aduunku kacdoono caalami ah ay ka jiraan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa lafilayaa inuu xaadiro madashaan sanadlaha ah ee looga hadlayo dhaqalaha aduunka isaga oo kasoo garab muuqan doona hogaamiyayaal kasocda caalamka.

kaqeybgalka shirkaan ee madaxweyne Trump ayaa imaaneysa xili uu halkii ugu hooseesay marayo xiriirka Mareykanka iyo xulufada reer Galbeedka, kadib markii uu Trump kuhanjabay inuu lawareegi doono dhulka Greenland oo ah dhul madaxbanaan oo hoostaga Denmark.

Soomaaliya sanadkaan waxaa shirka uga qeybgalaya ra’iisulwasaare xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo durba gaaray magaalada uu kadhacayo shirkan ee Davos.

Madashaan looga dooda dhaqaalaha aduunka ayaa tan iyo markii labilaabay 1971 ka waxaa lagu qabanayay isla magaaladda Davos ee Switzerland.

Qabanqaabiyayaasha madasha looga doodayo dhaqaalaha aduunka ee World Economic Forum WEF ayaa sheegay inay sanadkaan casuumeen in kabadan 3,000 oo marti oo kakala imaanaya 130 dal oo caalamka ah, oo ay kujiraan 64 madax dowladeed ah gaar ahaan dalalka dhaqaalaha soo koraya leh iyo madaxda wadamada G7 ka.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version