Doha, Qatar – Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Qatar ayaa magaaladda Doha ee dalkaas ku saxiixay heshiis iskaashi kaasoo ujeedadiisu tahay xoojinta xiriirka milatari iyo iskaashiga amni ee labada dal.
Heshiiskaan oo maalinimadii shalay lagu gaaray Doha ayaa waxaa saxiixay wasiirka difaaca Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo ra’iisulwasaare xigeenka ahna wasiiru dowlaha wasaarada difaaca dalka Qatar Sheikh Saoud bin Abdulrahman bin Hassan Al Thani.
Heshiiskaan iskaashiga difaac ah ayaa diirada saaraya tababarka ciidamada, isweydaarsiga khibradaha, horumarinta awooda difaaca, iyo xoojinta iskaashiga amniga, si loo taageero dadaalada lagu horumarinayo amniga iyo xasiloonida gobolka, sida ay kuwarantay dowlada federaalka Soomaaliya.
Saxiixa heshiiskan ayaa sii xoojinayaa xiriirka istiraatijiyadeed ee Soomaaliya iyo Qatar, wuxa uuna ka tarjumayaa sida ay labada dal uga go’an tahay inay iska kaashadaan horumarinta Difaaca, amniga, iyo iskaashiga milateri ee muddada fog.
Soomaaliya ayaa muddo dhiseesay hay’adeheeda amni xili ay sii socdaan weerarada Alshabaab ay kageysanayaan qeybo kamid ah dalka.
Heshiiskan ayaa imaanaya xilli Soomaaliya ay isku diyaarinayso in si tartiib tartiib ah udhinto, dalkana uga baxaan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika oo muddo toban sano ka badan halkaas ku sugnaa.
Gaarida heshiis difaac ee labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar ayaa imaanaya xili dhawaan ay dowlada Soomaaliya meesha kasaartay heshiisyadii difaac iyo amni ee ay horay ulasaxiixatay dalka isutaga Imaaraatka Carabta.

