Thursday, August 27, 2026

Donald Trump Oo Gaaray Davos Si Uu Kaga Qeybgalo Madasha Dhaqaalaha Aduunka

Share

Davos, Switzerland – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa gaaray magaaladda Davos ee dalka Switzerland halkaas oo maalinimadii shalay kafurmay madasha dhaqaalaha aduunka World Economic Forum.

Trump waxa uu safarkan u yimid inuu ka qayb galo shirweynaha WEF, lana kulmo madaxda caalamiga ah, CEOs, iyo hoggaamiyeyaasha kale ee muhiimka ah ee kaqeyb galeysa shirka, isla markaana uu xoojiyo ajendaha America First iyo dhaqaalaha Mareykanka.

Donald Trump ayaa qorshaynaya kulamo ganacsi iyo shirar gaar ah oo uu layeesho madaxda caalamka, gaar ahaan kuwa ka socda bangiyada, shirkadaha tiknoolajiyadda, iyo adeegyada maaliyadeed.

Trump ayaa qorsheynaya in uu faahfaahiyo mashruuc uu ugu magac daray “Board of Peace”, kaas oo loogu talagalay in lagu horumariyo heshiis nabadeed gaar ahaan khilaafaadka ka taagan Bariga Dhexe, oo ay ku jiraan dagaalka Israel–Hamas.

Trump ayaa inta uu kuguda jiro kaqeybgalka shirka madasha dhaqaalaha aduunka, lagu wadaa inuu la kulmo qaar ka mid ah madaxda dunida, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi, si ay uga wada hadlaan arrimo ay ka mid yihiin nabadda Gaza iyo xiisadaha gobolka.

Read more

Local News