Tokyo, Japan ___ Ninkii toogashada kudilay ra’iisulwasaarihii hore ee Japan Shinzo Ape oo maanta oo arbaca ah lagu xukumay xabsi daa’im.
Xukunka ayaa soo gabagabeynaya maxkamad sanado soo socotay oo kusaabsanayd dil loo geystay ra’iisulwasaarihii hore ee Japan Shinso Ape.
Ninka falka toogashada ah geystay ayaa waxaa lagu magacaabaa Tetsuya Yamagami, Tetsuya ayaa falka toogashada ah kugeestay hub uu kusameystay gurigiisa wuxuuna falka geystay maalin cad.
Shinzo Ape ayaa latoogtay isagoo khudbad ololo ah ka jeedinaya magaalada galbeedka kutaala ee Nara sanadkii 2022 ka.
Shinzo Ape ayaa xilka ra’iisulwasaaraha Japan kadagay sanadkii 2020 ka sababo caafimaad awgood, hase yeeshee siyaasad ahaan wuu shaqeynayay isagoo ahaa ra’iisulwasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee soo mara Japan.
Ninka falka toogashada ah geystay oo da’diisu tahay 45 jir ayaa waxaa lagu magacaabaa Tetsuya Yamagami, waxaana laga qabtay barta uu toogashada kafuliyay.

Boqolaal qof oo udhag taagayay xukunka maxkamada ayaa istubay afaafka hore ee maxkamada, si ay goob joog uga noqdaan dhageysiga maxkamada, masuuliyiinta maxkamada ayaana tirada kuraasta oo yar aawadood uqabtay baqtiyaa nasiib.
Shinzo Ape ayaa jagada ra’iisulwasaare nimo ee Japan qabtay sanadkii 2006 da ilaa 2007 da, iyo sidoo kale 2012 kii ilaa 2020 ka.
Mr Ape ayaa labdii muddo xileed ee soo maray wax kabadalay siyaasada amaanka dalkaas, dilkiisa ayaana argagax galiyay Japan oo kamid ah dalalka ugu hooseeya dambiyada lagu geysto hubka fudud sharciyada oo adag.