Thursday, August 27, 2026

Trump Oo Daahfuray Golaha Nabada

Share

Davos, Switzerland —- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa daahfuray waxa loogu yeero “Board of Peace”, oo ah hay’ad lagu xalliyo iska horimaadyada caalamiga ah iyada oo qiimaha xubinnimada joogtada ah uu yahay $1 bilyan oo dollar ka Mareykanka ah.

Guddiga ayaa markii hore loo arkayay inuu kormeerayo dib u dhiska Gaza, hase yeeshee qabyo qoraalka axdigu uma muuqdo mid kaalintiisa ku koobaya dhulka falastiiniyiinta.

Sarkaal sare oo katirsan Aqalka Cad ayaa sheegay maalinimadii arbacada in ilaa 35 dal ay kago’antahay inay kubiiraan heshiiska nabada marka loo eego 50 hogaamiye oo loo diray casuumaada kubiirista.

Sarkaalka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in xulufada Mareykanka ee Bariga Dhexe ay kamid yihiin kuwa doonaya inay qeyb kanoqdaan heshiiska Nabada Gaza, dalalkaas ayuuna tilmaamay inay Kala yihiin Isra’il, Saudi Arabia, United Arab Emarat, Bahrain, Jordan, Qatar, xubno katirsan NATO sida Turkey, Hungary sarkaalka ayaa tibaaxay in hogaamiyayaasha wadamadaan ay xiriirka wanaagsan laleh madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay ogolaadeen inay heshiiska kaqeyb qaataan Pakistan, Morroco, Indonesia, Kosovo, Uzbekistan, Kazakhstan,Paraguay, iyo Vietnam.

Read more

Local News