Home DIBADDA Ukraine, Russia, Iyo Mareykanka Oo Yeelanaya Kulankoodi Ugu Horeeyay Ee Saddex Geesood...

Ukraine, Russia, Iyo Mareykanka Oo Yeelanaya Kulankoodi Ugu Horeeyay Ee Saddex Geesood Ah

0

Abu Dhabi, UAE – Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa usheegay in mas’uuliyiin ka kala socda Ukraine, Ruushka iyo Mareykanka ay yeelan doonaan shirar saddex geesood ah markii ugu horeysay Jimcaha iyo Sabtida, xilli Mareykanka uu sii wado dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka Ruushka ee Ukraine.

Ka dib wadahadal uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kula yeeshay magaalada Davos Khamiistii, Volodymyr Zelenskyy wuxuu sheegay in shuruudaha dammaanadda amniga ee Ukraine la dhammeeyay, heshiisna uu ku dhow yahay, uuna diyaar u yahay soo kabashada dhaqaalaha dagaalka ka dib, qayb muhiim ah oo ka mid ah soo jeedinta uu taageeray Kyiv si dib loogu riixo qorshe hore oo Mareykan ku watay oo loo arko inuu si weyn ugu xaglinayo Moscow.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku tilmaamay kulanka uu la qaatay dhiggiisa Ukraine mid “wanaagsan”, balse dadaalka lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka uu bilaabay Ruushka uu ku tilmaamay hannaan socda.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version