Muqdisho, Soomaaliya – Golaha Wasiirada dowlada federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn ayaa u codeeyay isbadal taliska ciidanka Xoogga dalka, iyagoo Sarkaal cusub umagacaabay taliyaha milatariga.
Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo xilka hayay tan iyo 2024 ayaa laga qaaday iyadoo loo magacaabay Kornayl Ibraahim Maxamed Maxamuud.
Odawaa Yuusuf Raage ayaa taliyaha ciidanka milatariga noqday laba jeer isagoo noqday mid kamid ah saraakiishii ugu mudada dheerayd ee hogaamiya ciidanka Xoogga.
Kornayl Ibraahim ayaa kamid ah saraakiisha uu tababaray dalka Turkiga, isagoo sanado khibrad ciidan ah, magacaabidiisa ayaana kusoo beegmaysa iyadoo Arbacadii Soomaaliya heshay mid kamid ah diyaaradaha dagaal ee ugu casrisan ee F-16.
Magacaabida kornayl Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kusoo aadeysa xilli uu dalku kujiro xaalad xasaasi ah gaar ahaan dhinacyada ammaanka, doorashooyinka iyo siyaasada. Iyadoo sidoo kale uu gabaabsi yahay muddo xileedka dowlada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

