Jigjiga – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Caasimadda Dowlad -deegaanka Soomalida ee Jigjiga, halkaas oo lagu wado inuu kaga qeyb galo xarig jarka mashaariic horumarineed oo laga hirgaliyay.
Madaxweynaha ayaa waxaa gagida diyaaradaha Jigjiga ee Garaad Wiilwaal kusoo dhaweeyay Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali iyo Madaxweynaha dowlad-deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cagjar.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isaguna kamid ah madaxda geeska Afrika ee kaqeybgalaya Xarig Jarka mashaariicda horumarineed ee laga hirgaliyay Dowlad-deegaanka Soomaalida.
Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Jigjiga ayaa noqonaya kii labaad ee uu kutago halkaas iyadoo booqashadii koowaad ee uu kugaaro Jigjiga ay aheyd 10 August 2016 ka oo laga joogo muddo 10 sano ah waxaana gagida diyaaradaha Magaalada Jigjiga ee Garaad Wiilwaal kusoo dhaweeyay madaxweynihii waqtigaa ee Cabdi Maxamuud Cumar.
Gaaritaanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Jigjiga ayaa imaanaya xili Geeska Afrika ay kajirto xaalad kacsanaan ah kadib Aqoonsigii Israa’iil ee maamulka Somaliland.
Madaxda gobolka ayaa lafilayaa inay yeeshaan kulamo ay kaga hadlayaan danaha dalalkooda, kadib xarig jarka.


