Thursday, August 27, 2026

Soomaaliya Oo Kaqeyb Gashay Kulan Heerkiisu Sareeyo Oo U Dhexeeya Wasiirada Arrimaha Dibadda Carabta iyo India

Share

New Delhi, India — Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay ayaa kaqeybgalay kulan heer sare ah oo ay isugu yimaadeen wasiirada arrimaha dibadda dalalka carabta, iyo ra’iisulwasaaraha India intii lagu guda jiray furitaanka kulankii labaad ee wasiirada arrimaha dibadda Carabta iyo India oo kaqabsoomay New Delhi India.

Wasiir Cabdisalaan Dhaay ayaa dhiggiisa Jaamacadda Carabta kula biiray kulan uu la qaatay Ra’iisul Wasaaraha India Narendra Modi, iyadoo uu si rasmi ah u furmay shirkii labaad ee Wasiirada Arrimaha Dibadda India iyo Carabta.

Kulanka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda sii kordheysa ee xiriirka Hindiya iyo Carabta, iyada oo laga wada hadlay xoojinta iskaashiga, horumarinta wada-xaajoodka siyaasadeed, iyo horumarinta iskaashiga wax ku oolka ah ee dhinacyada dana wadaagga ah.

Kulanka ayaa lagu tilmaamay tallaabo wax ku ool ah oo loo qaaday iskaashiga qotada dheer ee ka dhexeeya Hindiya iyo Carabta, ayadoo ujeeddaduna tahay horumarinta xasilloonida gobolka iyo barwaaqada la wadaago. Soomaaliya ayaa dib u xaqiijisey sida ay uga go’an tahay dibloomaasiyad wax ku ool ah, ka qaybgal dhinacyo badan leh, iyo dhisidda iskaashiyo faa’iidooyin la taaban karo u keena dadkeeda iyo guud ahaan gobolka.

Ka qaybgalka Soomaaliya ee shirka wasiirada arrimaha dibadda Carabta iyo India ayaa ka tarjumaya doorka firfircoon ee ay ku leedahay gudaha golayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah iyo dadaalka joogtada ah ee ay ku bixinayso dadaallada iskaashi ee taageeraya nabadda, horumarka, iyo isfahamka labada dhinac.

Read more

Local News