Muqdisho, Soomaaliya – Shirkii udhexeeyay dowlada federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa maanta baaqday, kagadaal markii dowladda Soomaaliya hawada kacelisay laba diyaaradood oo siday ciidamo hubeysan oo hor dhac u’ahaa madaxweynayaasha maamulada Jubaland iyo Puntland.
Diyaaradihii siday ciidamada ayaa dib ugu laabtay halkii ay kasooo kicitameen, waxaana xigay warsaxaafadeedyo ay soo saareen maamulada Puntland iyo Jubaland iyagoo cambaareeyay talaabada ay dowladu kucelisay ciidanka sidoo kalana shaki galiyay qabsoomida shirka udhexeeya dowlada iyo mucaaradka.
Dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda amniga gudaha ayaa iyaduna kahadashay ciidanka laga celiyay hawada ee kasocday maamulada Jubaland iyo Puntland, wasaarada ayaa sheegtay in ciidamo hubeysan ooaan lagaraneyn ay isku dayeen inay kusoo daabulaan caasimada xubno katirsan golaha mustaqbalka.
Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo degmada Qardho tababar ugusoo xiray Ciidamo katirsan Booliska ayaa kahadlay talaabadii dowladda Soomaaliya ee maanta, waxa uuna kutilmaamay faldambiyeed iyo isku day dil ah.
Geesta kale golaha wasiirada Jubaland ayaa iyaguna cambaareeyay talaabadii dowlada Soomaaliya kucelisay ciidankii saarnaa diyaarada.
Xubno katirsan Xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo Shariif Sheekh Axmed oo galabta shir jaraa’id qabtay ayaa kahadlay falka ay dowladda Soomaaliya kucelisay diyaaradihii siday ciidamada hordhaca u’ahaa madaxda Puntland iyo Jubaland iyagoo si adag udhaliilay hogaaminta madaxweyne Xasan Sheekh.
Talaabooyinka ay dowlada Soomaaliya qaaday ayaa muujinaya kuwa aan suurtagalinayn wadahadal dhex mara mucaaradka iyo dowlada, iyadoo dowladu kudoodeyso inay diyaar u tahay wadahadal.
