Thursday, August 27, 2026

Bangladesh Oo Qabaneysa Doorashadii Ugu Horeysay Kadib Mudahaaradyadii Xilka Lagaga Tuuray Ra’iisulwasaare Hasina

Share

Dhaka, Bangladesh | Bangladesh Codadka ayaa la tiriyay ka dib doorashadii ugu horeysay tan iyo markii mudaaharaadyo ay ardaydu hogaaminayeen xilka looga tuuray ra’iisul wasaarihii Bangladesh Sheikh Hasina Wazed 2024.

In ka badan 2,000 oo musharrax ayaa u tartamaya 350 kursi oo baarlamaanka ah, kuwaa oo midkoodna ka tirsanayn xisbiga la mamnuucay ee Awami League of Hasina, kaasoo xukunka Bangladesh isaga cararay inkabadan 15 sano oo uu xukunka hayay, kaddib markii uu dhacay howlgal amni oo lagu dilay boqolaal dibadbaxayaal ah.

Doorashadan ayaa ah mid ay kuloolamayaan xisbiga midigta dhexe ee Bangladesh Nationalist Party (BNP) iyo isbahaysiga uu hoggaamiyo Jamaat-e-Islami ee Islaamiyiinta, kuwaas oo ku biiray xisbi ka dhashay kacdoonkii ardayda.

Natiijooyinka doorashada ayaa la filayaa jimcaha waxaana jirta rajo baahsan oo ka dhex jirta codbixiyaasha oo ku saabsan soo laabashada dimuqraadiyadda.

Markii ugu horeysay tan iyo 2008, natiijada doorasho ee Bangladesh ayaa ah mid si hubaal ah aan loo saadaali Karin. Doorashooyinkii lasoo dhaafay ee kadhacay dalkaas ayaa si aad ah loo cambaareeyay kadib markii si nidaamsan loogu shubtay, Sheekh Hasina iyo xisbigeeda.

Codbixinta doorashada ayaa si rasmi ah loosoo xiray, doorashada taariikhiga ah ee Bangladesh, taas oo loo arko tartan toos ah oo u dhexeeya xisbiga Tarique Rahman ee Bangladesh Nationalist Party (BNP) iyo isbahaysiga 11 xisbi, oo uu hogaaminayo madaxa xisbiga Jamaat-e-Islami, Shafiqur Rahman.

Iyadoo ra’yi ururintu ay soo jeedinayaan in Tarique Rahman uu yahay musharaxa ugu cadcad ra’iisul wasaaraha, isbahaysiga uu hoggaamiyo Jamaat, oo ay ku jiraan Xisbiga Waddaniga ah ee Qaranka (NCP), oo ay sameeyeen hoggaamiyeyaasha ardayda ee ka dambeeyay kacdoonka 2024, ayaa keeni kara wax lala yaabo.

Isagoo hadlayay ka dib codbixintii, hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee Bangladesh Muxammad Yunus ayaa sheegay in waddanku gabagabeeyay riyooyinkii xumaa  oo uu bilaabay riyo cusub.

Read more

Local News