Thursday, August 27, 2026

Caafimaadka Ra’iisulwasaarihii Hore Ee Pakistan Oo Laga Dayrinayo, Iyadoo Uu Lumay Araga Isha Midig 85%

Share

Islamabad, Pakistan | Ra’iisulwasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ee xabsiga ladhigay sanadkii 2023 ka ayaa wajahaya xaalad caafimaad oo daran.
Imran Khan ayaa lasoo warinayaa inuu lumiyay araga ishiisa midig 85% sida uu qareenkiisa lawadaagay maxkamada sare.

Khan oo xabsiga ladhigay August 2023 da ayaa lagu xukumay 14 sano oo xabsi ah, iyadoo loo haysto eedaha musuqmaasuqa, mid ka mid ah daraasiin kiis oo uu sheegay in loo sameeyay si ay ciidamadu ugu ilaaliyaan siyaasadda, eedaymahaas oo ay ciidamadu beeniyeen.

Khan ayaa sheegay in uu ka cabanayay “inuu la kulmay indho xumo joogto ah tan iyo Oktoobar 2025, laakiin maamulka xabsiga ayaan wax tallaabo ah qaadin.
Qareenka Imran Khan oo lagu magacaabo Safdar ayaa soo gudbiyay warbixinta Imran ka dib kulan laba saacadood qaatay oo uu la yeeshay Khan, kaas oo ay amartay Maxkamadda Sare.

Masuuliyiinta ayaa 16-ka Febraayo u’ogolaaday kama dambeysta in Imran Khan lala kulansiiyo dhakhtarkiisa gaarka ah si uu uga wareysto xaaladihiisa gaarka ah.
Wasiirka warfaafinta Pakistan Attaullah Tarar ayaa sheegay dhawaanahan in Imran loo qaaday isbitaal bishan February muddo labaatan daqiiqo ah.

Imran Khan ra’iisulwasaarihii hore ee Pakistan ayaa ah 74 sano jir soo noqday ra’iisulwasaarihii 19 aad ee soo mara dalkaas August 2018 ilaa April 2022 ka.

Bishii Apri 2022, wuxuu noqday ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee Pakistan oo xilka looga qaado mooshin kalsooni kala noqosho ah. Imran ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu ku lug lahaa xil ka qaadistiisa, isagoo ku eedeeyay Washington inay ka soo horjeedo siyaasadiisa arrimaha dibadda ee raadineysay xiriir dhow oo lala yeesho Shiinaha iyo Ruushka.

Bishii Oktoobar 2022, Guddiga Doorashada Pakistan ayaa ka mamnuucay Imran Khan inuu hal xilli sii joogo Baarlamaanka Qaranka dacwadda Toshakhana.
Bishii Novembar, wuxuu ka badbaaday isku day dil.

Bishii May sanadkii 2023 ka, ayaa lagu xiray Maxkamadda Sare ee Islamabad intii lagu guda jiray dhageysi la xiriira eedeymaha musuqmaasuqa; ka dib rabshadihii 9-kii May, waxaa lagu sii daayay dammaanad ilaalin ah maalmo ka dib. Waxaa mar kale la xiray August 2023. Waxaa tan iyo markaas lagu xukumay 14 sano wuxuu wajahay 186 kiis oo ka yaal Pakistan oo dhan.

Read more

Local News