Ghaza _____Falastiiniyiinta ku nool Gaza ayaa isugu soo ururay cashada ka hor waaberiga maalinta ugu horreysa ee soonka iyadoo dhowr waddan oo Carab iyo Islaam ahi bilaabeen soonka Ramadaan, halka kuwa kalena ay bilaaban doonaan maalin ka dib.
Si kastaba ha ahaatee, dadka ku nool Gaza, oo bilaabay inay u dabaaldegaan bilashada bisha barakeysan ee Ramadan Arbacada, ayaa ku dhibtoonaya inay helaan cunto iyo biyo nadiif ah, xilli Israa’iil ay sii wado dagaalka xasuuqa ah ee kadhanka ah Falastiiniyiinta.
Qoysaskii mar miis buuxa ku qaadan jiray soonka Ramadaan ka hor dagaalka, in ka badan laba sano ka hor, ayaa hada maalintooda soonka kuqaata jadwalka qaybinta gargaarka. Qaar badan oo Falastiiniyiin ah ayaa ku tiirsan jikooyinka maraqa maadaama Israa’iil diidayso inay gargaar dheeraad ah iyo sahayda aasaasiga ah u soo gudbo marinka Gaza.

Heshiiskii xabad joojinta ee dhex maray Israa’iil iyo Xamaas oo dhaqan galay horraantii Oktoobar, ugu yaraan 600 oo baabuur oo gargaar ah ayaa la filayay inay galaan marinka maalin kasta. Si kastaba ha ahaatee, tirada dhabta ah ayaa aad uga hooseysa.
Xadgudubyo maalinle ah ee ay Israa’iil ay geysaneyso ayaa ah kuwa halkooda kasii socda xataa xabad joojinta kadib, weerarrada ka dhanka ah deegaanka dagaalku burburiyay ayaa sii socday ku dhawaad ​​​​maalin kasta tan iyo markii xabad joojinta bilaabatay, taasoo dishay in ka badan 600 oo Falastiiniyiin ah.
Dhanka kale, Bariga Qudus ee ay maamusho Israa’iil, kumanaan dad ah ayaa buux dhaafiyay hoolalka salaadda ee masaajidka Al-Aqsa iyo barxadaha furan, iyadoo muuqaallo lagu wadaagay internetka ay muujinayaan booliiska Israa’iil oo ku sugan gudaha xarunta oo dhex socda ka qaybgalayaasha intii lagu jiray salaadda Taraawiixda.


