Seoul, South Korea _____Â Madaxweynihii hore ee Kuuriyada Koofureed Yoon Suk Yeol ayaa lagu helay dambi ah inuu abaabulay kacdoon ka dhashay xukunkii muddada gaaban uu joogay ee uu ku soo rogay sharciga dagaalka sanadkii 2024.
Maxkamadda Degmada Dhexe ee Seoul ayaa Yoon ku xukuntay xabsi daa’in ka dib markii ay kuheshay inuu ahaa hoggaamiyihii kacdoonkii Diseembar 3, 2024 kadhacay dalkaas.
Waxay sidoo kale xukuntay dhowr sarkaal oo hore oo militariga iyo booliiska ah oo ku lug lahaa fulinta wareegtada sharciga dagaalka ee Yoon, oo ay ku jiraan Wasiirkii hore ee Difaaca Kim Yong Hyun, oo lagu xukumay 30 sano oo xabsi ah.
Yoon, oo 65 jir ah, ayaa ilaashaday dambi la’aantiisa intii uu maxkamadda ka soo muuqday, waxaana ay u badan tahay inuu racfaan ka qaadan doono xukunka maxkamadda.
Dacwad oogayaasha ayaa codsaday in  ciqaab dil ah la  mariyo Yoon Suk Yeol oo xilka looga qaaday xilka sababo la xiriira ku dhawaaqistiisa sharciga dagaalka ee Matial Law.

Yoon ayaa umuuqda inuu racfaan kaqaadan doono xukunka maxkamadda, hase yeeshee xeer ilaaliye gaar ah ayaa dalbaday in Yoon Suk Yeol lagu xukumo dil toogasho ah taas oo uu kusababeeyay in ficilkiisu khatar ku ahaa dimuqraadiyadda dalka uuna muteystay ciqaabta ugu daran ee la heli karo in lagu xukumo.
Kuuriyada Koofureed ayaan wax dil ah kufulin maxbuus dil ku xukuman tan iyo 1997 dii, taasoo loo arko mid ka hor imaanaysa xukunka dilka ah iyadoo lagu baaqayo in la baabi’iyo.
Markii Yoon uu maxkamadda yimid, boqolaal sarkaal oo booliis ah ayaa si dhow u daawanayay taageerayaasha Yoon oo isugu soo baxay bannaanka xarun garsoor, qayladooduna ay sii kordhaysay, markii baska xabsiga ee waday uu dhaafay.
Dadka dhaliila Yoon ayaa isugu soo aruuray meel u dhow, iyagoo dalbanaya ciqaabta dilka ah ee maxkamadda ay kuriday Yoon Suk Yeol.

Yoon Suk Yeol ayaa shaqada laga joojiyay 14 ka December, 2024, ka dib markii ay sharci dejiyeyaashu xilka ka qaadeen, waxaana si rasmi ah xilka uga qaaday Maxkamadda Dastuuriga ah bishii April  2025. Yoon ayaa xirnaa tan iyo bishii July ee la soo dhaafay isagoo wajahaya dacwado dambiyeed badan, iyadoo dacwadda kacdoonka ay qaadayso ciqaabta ugu daran.
Bishii lasoo dhaafay, Yoon ayaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ah ka dib markii uu iska caabiyay xarig ladoonayay in lagu fuliyo, been abuurna ku sameeyay ku dhawaaqista sharciga dagaalka iyo inuu ka hor yimid kulan Golaha Wasiirrada oo sharci ahaan loo xilsaaray ka hor inta uusan ku dhawaaqin tallaabadaas.
Maxkamadda Dhexe ee Seoul ayaa sidoo kale xukuntay laba ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada ee Yoon Suk Yeol kuwaas oo loo heysto kiisas kale. Waxaan ka mid ah Ra’iisul Wasaare Han Duck-soo, kaasoo lagu xukumay 23 sano oo xabsi ah isagoo isku dayay inuu sharciyeeyo wareegtada isagoo ku qasbaya shir Golaha Wasiirrada ah, been abuurna ku sameeyay diiwaannada iyo been ku dhaarashada. Han Duck Soo ayaa sisna racfaan ka qaatay xukunka Maxkamadda.


