Thursday, August 27, 2026

Burburka Kuyimid Shirkii Mucaaradka Iyo Madaxweynaha, Maxay Yihiin Waxyaabaha Kala Taga Keenay Maxaase Xigi Doonna?

Share

Muqdisho, Soomaaliya – Waxaa galinkii dambe ee shalay soo baxay war murtiyeed ay soosaareen mucaaradka Soomaaliya gaar ahaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya kaas oo udhignaa inuu burburay wadahadalkii udheeeyay Golaha Mustaqbalka iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa shaaca kaqaaday in sababaha keenay burburka shirka ay kamid yihiin dooda kusaabsan waxkabadalka dastuurka, iyo doorashooyinka, golaha ayaa carabka ku adkeeyay inay doonayaan inaan waxba laga badalin dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya kaasoo soo baxay sanadkii 2012ka, hadii waxkabadal lagu sameynayana loo baahanyahay heshiis qaran oo loo dhanyahay iyo wadatashi dadweyne oo dhab ah, iyagoo sidoo kale qoraalka ay soosaareen kuxusay inay dowladu ku adkeysatay inaanan cidna loo joojin.

Golaha Mustaqbalka ayaa sheegay in ku adkeysanayaan in laqabto doorashooyinka muddo dhaafka ah ee dowlad goboleedyada, iyagoo cuskaday dastuurka dowladgoboleedyada iyo kan dowlada dhexe ee kala soocaya awoodaha labada heer ee dowladda, dowladda Soomaaliya ayeyse tilmaameen inay dooneyso in doorashooyinka dowladgoboleedyada lagu qabto sharciyad doorasho iyo habraacyo kudhisan dastuurka ay dowladu kusameysay waxkabadalka.

Kahor shaacintii burkburka kuyimid shirka waxaa magaaladda Muqdisho kadhoofay madaxweynaha dowladgoboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe kaas oo dib ugu laabtay magaalada MKismaayo, halka Siciid Cabdullaahi Dani Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland uu Muqdisho kawado kulamo gaargaar ah oo uu layeelanayo xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiyiinta iyo waxgaradka kunool caasimadda.

Golaha Mustaqbalka ayaa qoraalkoodii labada bog kakoobnaa kusoo gunaanaday inay diyaar uyihiin wadahadal dhab ah oo lagu gaaro natiijo miro dhal ah iyo in dowladgoboleedyada aan qaban doorashom mudda xileedkoodana ladhaafay ay qabtaan doorasho doorasho heshiis lagu yahay.

Dhanka kale dowladda Soomaaliya ayaa kahadashay arrimaha kugadaaman burburka shirka, Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa tilmaantay “Dowladda waxay nasiib darro u aragtaa in maalintii koowaad ee wada xaajoodka ay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Mustaqbalka si kedis ah u beddeleen ajendihii lagu heshiiyey, iyaga oo ku soo daray qodobo cusub oo aan horey loogu heshiin, kuwaas oo aan lahayn sal dastuuri ah iyo tixraac sharci. Qodobadaas waxaa ka mid ahaa in Golaha Mustaqbalku ay talo toos ah ku yeeshaan hannaanka iyo maamulka doorashooyinka Dowlad-goboleedyada kale, taas oo ah arrin si cad uga hor imanaysa mabaadi’da ku xusan Dastuurka Dalka”.

Dowladda Soomaaliya ayaa nasiib darro kutilmaantay warmurtiyeedka ay soo saareen Golaha Mustaqbalka waxayna tiri “Waxaa nasiib darro ah in Golaha Mustaqbalku ay soo saareen bayaan baal marsan habraacyadii, nuxurkii iyo ruuxdii wada xaajoodyada labada maalmood socday, iyo kulamo doceedyadii gogol xaarka u ahaa ee ka horeeyay, taas oo dhaawacaysa geeddi socodka wada hadallada”.

Qoraalka Wasaaradda rrimaha Gudaha ayaa lagu xusay in “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay markale ku celinaysaa in albaabada wada xaajoodku u furan yihiin cid kasta oo diyaar u ah wada hadal dhab ah, iyada oo la ilaalinayo dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka”.

Dowladda Soomaaliya ayaa kahadashay doorashada ay kahirgalineyso dalka waxaana ay tiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay adkaynaysaa in ay ka go’an tahay hirgelinta hannaan doorasho oo waafaqsan dastuurka dalka, kana turjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la ilaalinayo midnimada qaranka”.

Kadib qoraalka kasoo baxay wasaarada arrimaha Gudaha Soomaaliya, si dhab ah looma saadaalinkaro waxa xigi doono iyo halka ay kudambeyn doonaan wadahadalada burburay ee u dhexeeyay mucaaradka Golaha Mustaqbalka iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Read more

Local News