Friday, August 28, 2026

Ra’iisulwasaaraha Japan Oo Trump Kala Hadli Doonta Xaalado Ay Kamidyihiin Bariga Dhexe Todobaadka Soo Socda

Share

Tokyo, Japan –  Ra’iisul Wasaaraha Japan Sanae Takaichi ayaa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kala hadli doonta xiisadaha sii kordhaya ee caalamka, oo ay ku jiraan kuwa Bariga Dhexe, inta lagu guda jiro booqashada ay ku tagayso Washington toddobaadka soo socda, sida ay sheegtay warbaahinta.

Ra’iisulwasaare Takaichi ayaa la qorsheeyay inay Arbacada ka baxdo magaalada Tokyo iyadoo booqashadeedii ugu horeysay kutagi doonta Washington tan iyo markii ay xilka qabatay sannadkii hore.

Trump iyo Takaichi ayaa kawadahadli doona xaaladaha Bariga Dhexe iyo bariga Aasiya.

Ra’iisulwasaare Sanae Takaichi ayaa baarlamaanka u sheegtay Jimcihii inay damacsan tahay inay Trump u gudbiso mowqifka Tokyo iyadoo xiisadaha caalamiga ah ay sii kordhayaan tan iyo markii uu bilowday dagaalka udhexeeya Israel iyo Mareykanka oo dhinac ah iyo Iran.

Ra’iisulwasaare Takaichi ayaa intaas ku dartay in dowladda Japan ay aaminsan tahay inay adag tahay in qiimeyn sharci ah lagu sameeyo howlgalladii milatari ee Mareykanka iyo Israa’iil ee dhawaan ka dhacay Iran, iyadoo ku baaqday in la dejiyo xiisadda sida ugu dhaqsaha badan.

Waxaa sidoo kale la filayaa inay kala hadasho arrimo badan, oo ay ku jiraan amniga dhaqaalaha iyo kordhinta maalgashiga Japan iyadoo la raacayo qaab-dhismeedka ganacsiga ee labada dhinac.

 

Read more

Local News