Home DIBADDA Kazakhstan Oo Afti Uqaadeysa Dastuurkeeda Cusub

Kazakhstan Oo Afti Uqaadeysa Dastuurkeeda Cusub

0

Kazakhstan – Codbixinta ayaa ka bilaabatay subaxnimadii hore ee saaka, Kazakhstan afti ku saabsan Dastuurka cusub, iyadoo in ka badan 12.4 milyan oo codbixiye ay awood u leeyihiin inay ka qaybqaataan ucodeynta dastuurka cusub.

Wakaaladda wararka ee Kazinform ayaa sheegtay in codbixintu ay leedahay su’aal keliya: taasoo ah “Ma aqbashay Dastuurka cusub ee Jamhuuriyadda Kazakhstan?”, kaas oo qabyo qoraalkiisa lagu daabacay warbaahinta dadweynaha Febraayo 12, 2026 ka.

Codbixinta dastuurka cusub ayaa ansax noqon doonta haddii in ka badan kala bar codbixiyeyaasha xaqa u leh, qiyaastii 6.2 milyan oo qof, ay ka qaybqaataan.
Guddiga Aftida qaabilsan ayaa ku dhawaaqi doona natiijooyinka kama dambaysta ah 21March, ugu dambayn toddoba maalmood ka dib codbixinta, ayay tiri.

Madaxweynaha Kazakhstan Kassym-Jomart Tokayev ayaa 11 ka February saxiixay wareegto ku baaqaysa in afti qaran la qabto 15 ka March.

Madaxweyne Tokayev ayaa ka sheegay kulan ay dowladdu yeelatay in qabyo-qoraalka Dastuurka cusub uu ku jiro xeerar muhiim ah oo horumarineed.

President Kassym-Jomart Tokayev
President Kassym-Jomart Tokayev

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version