Wednesday, August 26, 2026

Koonfurgalbeed Oo Magacowday Afhayeen Cusub

Share

Baydhabo – Maamulka Koonfurgalbeed Soomaaliya ayaa magaacabay Afhayeenka cusub ee maamulkaas.

Kusimaha Madaxweynaha Dr Cali Saciid Fiqi ayaa Xasan Cabdi Maxamed Ugaas Xasan oo ah wasiirkii hore ee warfaafinta maamulkaas umagaacabay afhayeenka dowlad goboleedka Koofurgalbeed.

Magacaabista afhayeenka cusub ee maamulkaas ayaa kusoo aadeysa xilli xaalad kacsanaan siyaasadeed ah kajirto gudaha maamulka, silamid ahna uu soo shaac baxayo khilaaf udhexeeya maamulka iyo dowladda Soomaaliya.

Maamulka hadda ka arrimaya Koofurgalbeed ayaa ah mid uu muddo xileedkiisu dhamaaday kudhawaad afar sano kahor iyadoo masuuliyiinta maamulku iska sii joogeen xilka.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee kasoo jeeda deegaanada Koofurgalbeed ayaa iyagu loo diiday tagista magaalada, iyadoo taa badalkeed iyagoo kusugan Muqdisho gudbiya aragtidooda ku aadan in isbadal lagu sameeyo nidaamka maamulka Koofurgalbeed.

Read more

Local News