Home DIBADDA Gantaalada Iran Oo Burburiyay Xaafad Ku Taal Israa’iil Iyo Trump Oo Siiyay...

Gantaalada Iran Oo Burburiyay Xaafad Ku Taal Israa’iil Iyo Trump Oo Siiyay Tehran 48 Saacadood Si Ay U Furto Marinka Hormuz

0

Tel Aviv, Israa’iil –  Maalintii 23-aad ee dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ay ku hayaan Iiraan, gantaallo Iiraani ah ayaa beegsaday koonfurta iyo waqooyiga Israa’iil, waxayna sababeen dhimasho iyo tobannaan dhaawac ah magaalooyinka Arad iyo Dimona, oo caan ku ah “reactor-keeda” nukliyeerka ah.
Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in tirada dhaawacyadu ay gaartay ugu yaraan 88 qof magaalada Arad, tiro hordhac ah, kuwaas oo ay ku jiraan xaalado halis ah, isla markaana 9 dhisme ay waxyeello ka soo gaartay gantaal Iiraan ka socda. Waxay intaas ku dartay in duqeynta Arad ay sababtay tiradii ugu badnayd ee dhaawacyo ah tan iyo bilowgii dagaalka, isla markaana ay burburisay xaafad dhan.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ka hadlay werarkaan “waa habeen aad u adag ay Israa’iil la kulantay” isaga oo xaqiijiyay go’aanka ah in la sii wado garaacista cadowgeenna dhammaan jihooyinka.
Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa ku dhawaaqay fulinta mowjadda 73-aad ee howlgalka “Alwacadul Saadiq 4” iyagoo beegsaday Dimona, Arad, Beer Sheba iyo Kiryat Gat ee koonfurta Israa’iil.
Dhanka kale, warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in qaraxyo laga maqlay bariga Tehran, waxayna xaqiijisay in difaacyada cirka ee Iiraan ay ka hortageen bartilmaameedyo cadowga.
Sarkaal Iiraani ah ayaa sheegay in weerarrada Israa’iil iyo Maraykanka ay burburiyeen 44 Goob-Dhismeed oo isugu jira guryo iyo ganacsi oo ku yaalla gobolka Kurdistan ee Iiraan.


Dhanka siyaasadda, madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu burburin doono saldhigyada tamarta ee Iiraan haddii aysan si buuxda u furin Marinka Hormuz 48 saacadood gudahood.

Wuxuu intaas ku daray in weerarrada Maraykanka ee dhanka waaxda tamarta Iiraan ay ka bilaaban doonaan xarunta ugu weyn haddii Tehran aysan furin Marinka Hormuz muddadaas.
Sidoo kale, wakaalada Axios ayaa soo xigatay sarkaal Maraykan ah iyo warbaahino xog ogaal ah oo sheegay in maamulka Trump uu ka doodayo marxaladda xigta ee dagaalka iyo qaabka wadahadallada nabadeed ee lala yeelan karo Iiraan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version